Ahmiyadda Doorashada dadban ee 2021 oo hoos loo dhigay

Waxaan rajeynaya in DG iyo mucaaradka ku go'aan qaadan doonan isbeddelka Maamulka doorashada 2021 ee RW Roble ku dhaqaaqay.

Warar Keydmedia Online
Ahmiyadda Doorashada dadban ee 2021 oo hoos loo dhigay

Markaan akhriyay qoraalka Rooble ku magacaabay Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, waxaan ii soo baxday in hoos loo dhigay ahmiyadda doorashada dadban 2021 oo ahaa heshiis siyaasadeed ee dhexmaray DF iyo DG, oo mucaaradka iyo tartamayaasha kale aqbaleen.

Waxaa kaloo qoraalka laga garan karaa in beesha caalamka oo laga sugaya bixinta kharaj gaaraya 37 milyan doolar la bahdilay. Wasiir dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa beesha caalamka u fasira, ka dhaadhiciya, kala dooda arrimaha doorashada 2021. 

Waxaa kaloo muuqata in xiriirka DG ee doorashada hoos loo dhigay oo Madaxweynaha iyo RW rabaan inay daaha gadaashiida ka maamulaan.Waxaa kaloo laga garan kara in Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, dib u heshiinta, iyo federaalka laga qaaday kaalinta hormudka ah ee ay ku laheyd hirgelinta doorashada 2021.

Xil iska wareejinta RW Roble waxay muujineysa in doorashada 2021 weji cusub qaadatay. Xilka koowaad ee RW Roble wuxuu ahaa hirgelinta doorashada 2021. Haseyeeshe arrintaas waxaa ku dhacay Isbeddel shaki badan abuuraya.

Waxaan rajeynaya in DG iyo mucaaradka ku go'aan qaadan doonan isbeddelka Maamulka doorashada 2021 ee RW Roble ku dhaqaaqay.

Dr. CULUSOW

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.