Akhriso magacyada Saraakiisha lagu laayay Galgaduud

Waxaa nolol iyo geeri midna lagu la'yahay 3 Sarkaal oo kamid ahaa Ciidamada lagu weeraray Maanta duleedka Balanballe.

Warar Keydmedia Online
Akhriso magacyada Saraakiisha lagu laayay Galgaduud

MUQDISHO, Soomaaliya - Keydmedia Online ayaa heshay Sawiradda iyo Magacyadda 6 Sarkaal oo Maanta lagu dilay gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya, kuwaasoo kamid ahaa Ciidanka Militeriga.

Waxay kala ahaayeen: Gaashaanle Dhagaqool Yuusuf, Gaashaanle Cabdi Guuna Guune, laba Xidigle Faarax Jaamac Colaad, Kabtan Shariif Cirro Maxamed, Gaashaanle  Gaangul Xalane, iyo Kabtan Siciid Xassan Faleey.

Waxaa nolol iyo geeri midna lagu la'yahay Laba Xidigle Qalbi Indha-taag, Gaashaalne Cayroow Warsame Xassan iyo Kabtan Suldaan Dirir. Waxaa goobta gaarey Ciidan gurmad ah oo baadi goobaya xubnaha maqan.

Kolonyada ayaa la weeraray xili ay kasoo baxday Guriceel, oo Saraakiisha ay kusoo qaateen tababar, islamarkaana ay kusii jeedeen degaanka Balanballe, oo isla gobolka katirsan.

Lama oga cida weerarka ka dambeysa, balse Al-Shabaab ayaa inta badan looga bartay falalka argagaxiso ee noocan ah oo lagu laynayo shacabka iyo Ciidanka qaranka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.