MUQDISHO: Al-Shabaab maxay ku maraan koontaroollada?

Is-weydiintaan ayaa ku soo aadeysa xilli dagaallamayaal ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ay ku dhawaad 24 saac ka dagaallamayeen Vila Rays oo ku yaalla darbiga Madaxtooyada Soomaaliya oo ah xarunta looga arrimiyo dalka, kuna sugan yihiin Madaxda ugu sarreysa.

Warar Keydmedia Online
MUQDISHO: Al-Shabaab maxay ku maraan koontaroollada?

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliye ku xigeynkii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed ayaa ka mid noqday shaqsiyaadka u dhuun-duleela amniga ee muujinaya shakiga la xariira in Kooxda Al-Shabaab loo fududeeyo weerarrada.

Jeneraal Cabdalla oo ka mid ah saraakiil ciidan oo aad uga soo hor jeeday Farmaajo iyo Fahad, ayaa is-weydiiyay su’aal ah in ay jiri karaan gawaari ciidan oo ay leedahay Al-Shabaab kuwaas oo ku sugan Muqdisho qaraxyadana ka gudbiya koontaroollada.

Cabdalla Cabdalla oo ka hadlayay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen hotel Villa Rays iyo kuwii ka soo horreeyay ee ka dhacay caasimadda ayaa yiri, “Ma laga yaabaa in Xamar ay joogaan gawaari ciidan oo Al-Shababb u shaqaysa qaraxyadana u gudbisa!!”?.

Is-weydiintaan ayaa ku soo aadeysa xilli dagaallamayaal ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ay ku dhawaad 24 saac ka dagaallamayeen Vila Rays oo ku yaalla darbiga Madaxtooyada Soomaaliya oo ah xarunta looga arrimiyo dalka, kuna sugan yihiin Madaxda ugu sarreysa.

Cabdalla ayaa lagu xasuustaa inuu 2018-kii Fahad Yaasiin ku eedeeyay inuu xiriir la leeyahay Al-Shabaab, isagoo Xeer-ilaalinta Qaranka u gudbiyay dacwo arrinkaas la xariirta inkastoo aan dacwada la qaadin maadaama uu garsoorku xilligaas gacanta Fahad ku jiray.

Taasi waxa ay sababtay in Cabdalla Cabdalla laga raacdeyo xilka Agaasime ku xigeynka NISA, isla-markaana uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka rifo dhammaan garaaddihiisi ciidan, isla-markaana uu duudsiyo dhammaan xuquuqaadkii uu ku lahaa ciidanka.

Hayeeshee, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii Agoosto xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyey Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.