Al-Shabaab iyo Ciidanka Kenya ku dagaalamay Mandheera

Gudoomiyaha Mandheera Cali Roba ayaa dhawaan sheegay in Magaaladda 50% ay gashay gacanta Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab iyo Ciidanka Kenya ku dagaalamay Mandheera

MANDHEERA, Kenya - Ugu yaraan hal qof oo shacab ah ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay, mid kalena ku dhawaacmay dagaal culus oo Al-Shabaab iyo Ciidanka Kenya ku dhexmaray galbeedka magaaladda Mandheera, oo ku dhaw xuduuda Soomaaliya.

Dadka ku nool degaanka uu dagaalka ka dhacay oo lagu magacaabo Wako Dadacha ayaa sheegay inay maqlayeen rasaas culus oo ay is-waydaarsanayeen labada dhinac, iyadoo markii dambe dib loo riixay Al-Shabaab.

Wako Dadacha wuxuu 150-KM galbeed uga beegan yahay Mandheera, waxaana la sheegay in halkaasi ay ka jirto cabsi xoog leh oo ku saabsan in Al-Shabaab la wareegto kadib markii ay kusoo bateen weerarada.

Gudoomiyaha Mandheera Cali Roba ayaa maalmo kahor sheegay in Magaaladda 50% ay ku jirto gacanta Al-Shabaab, islamarkaana ay ka qaado dadka degaanka Xoolo ZAKO ah iyo Lacag canshuur ah.

Wuxuu ku eedeeyay dowladda Kenya inay ka gaabisay amniga gobolka Waqooyi Bari, islamarkaana Ciidankeeda ay noqdeen kuwa baqaya oo xitaa naftooda difaacan karin marka Al-Shabaab weerar kusoo qaado.

Tan iyo 2011 markii Ciidanka Kenya soo galeen Soomaaliya, degaanada iyo degmooyinka ku yaalla xadka labada dal waxay noqdeen meelo Al-Shabaab ku xoog badan tahay oo ay ka sameysatay Jabhadda Al-Nusra oo u qaabilsan weerarada Kenya.

Waxaa ka dhacay Kenya weeraro aan horey dalalka kale ee Geeska Afrika ka dhicin, kuwaasoo ay kamid yihiin kuwii lagu qaadey Westgate Mall, Dusit D2 hotel iyo Jaamacadda Garissa oo dhacay inta u dhaxaysay 2013 illaa 2020.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.