Kooxda Al-Shabaab oo culays xooggan saartay Kenya

George Seda, Taliyaha Booliska Gobolka Waqooyi Bari, ayaa sheegay in Xoogag ka tirsan Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen Saldhiga Booliska ee Khorof Harar oo ku yaala tuulada Konton, weerarkaas ayaa sababay khasaare gaaray booliska.

Warar Keydmedia Online
Kooxda Al-Shabaab oo culays xooggan saartay Kenya

MANDHERA – Xilli guud ahaan dalka Kenya looga dareeray codbixinta doorashada guud ee dalkaas, ayay soo baxayaan warar sheegaya in Kooxda Al-Shabaab ay saacadihii u danbeeyay culeys xooggan saartay dadka ku nool Gobolka Waqooy-bari ee Kenya.

Degaanno hoos taga Mandheera gaar ahaan aagga xuduudda, ayaa laga soo wariyay in ay xalay weerar ka fuliyeen Kooxda Al-Shabaab, isla-markaana dadka ugu hanjabeen in aysan ka qeyb gaadan karin doorashada saaka ka billaabatay guud ahaan gobollada dalka.

Wararku waxa ay sheegayaan in Kooxdu ay jartay isgaarsiinta degaanka lagu magacaabo Carabiya oo bariga ka xiga Mandheera, sidoo kale waxaa la soo tabiyay in degaanno ku yaalla xudduudka ay dadka ka hor istaageen in ay u safraan degaannada cidbixinta.

Dad ku dhaqan Tuulada Qarsa oo isku dayay in ay u safraan goobaha santuuqyadu yaallaan, ayay Al-Shabaab dhexda u gashay, waxaana shaqsiyaad macagooda qariyay warbaahinta u sheegeen in Al-Shabaab dab qabadsiiyeen gawaaridii dadku saarnaayeen.

Dhanka kale, Labo sarkaal oo ka tirsan booliiska Kenya ayaa la dhaawacay Isniintii shalay kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay labo weerar oo kala duwan ka fuliyeen degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi-bari ee dalkaas.

George Seda, Taliyaha Booliska Gobolka Waqooyi Bari, ayaa sheegay in Xoogag ka tirsan Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen Saldhiga Booliska ee Khorof Harar oo ku yaala tuulada Konton, weerarkaas ayaa sababay khasaare gaaray booliska.

Dhacdo kale, dabley la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa gubay saddex baabuur iyo shan mooto, weerarro abaabulan oo ka dhacay isla tuulada Konton, tallaabooyinkaas ayaana saameyn ku yeeshay dadka deggan xudduudka.

Ciidanka Kenya waxay qeyb ka yihiin in ka badan 20,000 oo askari oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo dowladda federaalka ah ka caawiya la dagaalanka kooxaha hubeysan ee ay ugu horreyso Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qacida.

Kenya ayaa ciidamadeeda u soo dirtay Soomaaliya sannadkii 2011-kii kaddib markii xoogagga Al-shabaab ay afduubteen laba dalxiisayaal ah iyo shaqaale u shaqeynayay MSF. 2012 ayay Ciidanka Kenya si rasmi ah ugu biireen howlgalka Midowga Afrika.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.