Al-Shabaab oo dil iyo gacan goyn ka fulisay Soomaaliya

Al-Shabaab ayaa goobta dilka si qasab ah isugu keenay boqolaal qof oo dumar iyo Carruur ay ku jiraan, si ay u daawadan xukunkii dilka toogashadda Cabdullaahi Cabdi Cusmaan oo 47 jir ahaa.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo dil iyo gacan goyn ka fulisay Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa goob fagaare ah oo ku taalla degmada Kurtunwaareey ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay nin ay ku eedeysay inuu horey fal dil ah u geystay.

Al-Shabaab ayaa goobta dilka si qasab ah isugu keenay boqolaal qof oo dumar iyo Carruur ay ku jiraan, si ay u daawadan xukunkii dilka toogashadda C/llaahi Cabdi Cusmaan oo 47 jir ahaa.

C/llaahi ayaa waxaa xukunka ku riday Maxkamad gaar ah oo ay leedahay Al-Shabaab, taasoo ku eedeysay inuu ku dilay deegaan hoostega degmada qof lagu magacaabi jiray Macallim Aways Arboow Maxamed.

Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa degmada Aadan Yabaal gacanta midig uga jartay Mukhtaar Muxidiin Max'med, oo 18 jir ah, kaasoo ay ku eedeysay inuu dukaan ka xadey lacag Shilin Soomaali ah oo lagu qiyaasay wax ka yar $100.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.