Al-Shabaab oo gaadiid ku gubay Shabeelaha Hoose

Ilaa iyo hadda maamulka Shabeelaha Hoose war kama soo saarin dhacdadaan. 

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo gaadiid ku gubay Shabeelaha Hoose

MUQDISHO, Soomaaliya - Wararka laga helayo deegaanka Buulalow oo qiyaastii 3KM u jira degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in halkaas lagu gubay gaadiid dhuxul siday oo magaalada Muqdisho ku wajahnaa.

Gaadiidka oo nooca isjiidka Xamuulka ah ayaa waxaa ku rarnaa dhuxul laga keenay gobolka Shabeelaha Hoose, taasoo uraneed ganacsato reer Muqdisho ah.

Wararka ayaa intaa ku daraya in gaariga ay dab qabad siiyeen Ururka Al-Shabaab oo dhabbaha u galay, balse waxaan la ogeyn halka ay la adeen wadayaashii gaadiidka oo la sheegay in gaadiidka lagala degay.

Ilaa iyo hadda maamulka gobolka Shabeelaha kama hadlin dhacdadaan.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.