Kooxda Al-Shabaab oo go’doon galisay magaalada Baydhabo

Kooxda Al-Shabaab, ayaa xannibaad saartay shidaalkii gali jiray magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel-gaarka ah ee Maamulka Koofur Galbeed, waxaana sare u kacay guud ahaan qiimaha la kala siisto maciishadda.

Warar Keydmedia Online
Kooxda Al-Shabaab oo go’doon galisay magaalada Baydhabo

Baydhabo, Soomaaliya - Gobolka Bay ayaa u muuqda inuu cagta saaray waddadii uu maray gobolka Bakool, waxaana la soo warinayaa in Kooxda Al-Shabaab ay go’doon galiyeen magaalada Baydhabo iyo degaannada hoos yimaada taas oo sababtay sara u kac ku yimaada qiimaha maciishadda.

Al-Shabaab ayaa si hor dhac ah xannibaad u saartay shidaalkii ka imaan jiray magaalada Muqdisho ee tagi jiray gobolka Bay, kadib markii maamulka degmada Baydhabo uu soo saaray amar ka hor istaagaya shacabka inay garsoor ka raadsadaan maxkamadaha Al-Shabaab.

Taasi waxa ay horseedday kor u kaca qiimaha shidaalka, iyo qaaliyowga guud ahaan maciishadda uu raashinku ugu horreeyo, waxaana laga cabsi qabaa in Al-Shabaab guud ahaan go’doon galiyaan Baydhabo.

Inta badan degmooyinka Gobolka Bakool, ayaa go’doon ku jiray sanadihii la soo dhaafay, waxaana maciishadda lagu geeyaa diyaarado, taas oo sababtay sicir barar aan hore loo arag.

Dadka degaanka, waxa ay xaqiinayaan in ay hadda yaraadeen dhaqdhaqaaqa dhammaan gaadiidka dadweynaha ee gobolka Bay, waxaana laga cabsi qabaa, in Al-Shabaab soo saaraan amarro guud oo lagu go’doominayo Baydhabo.

Dowlad goboleedka Koofur galbeed, ayaan wali ka hadlin, arrinka soo kordhay, ee walwalka xoogga leh ku abuuray shacabka Baydhabo, Maamulka uu hoggaamiyo Laftagareen ayaana hore ugu fashilmay wax ka qabashada dhibaatada ka taagan magaalada Xuddur.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.