Al-Shabaab oo hesha dakhli ka badan kan dowladda

Kooxda ayaa adeegsata xeelado ka duwan kuwa dowladda, sida inay dadka ku cabsi geliso dil hadoo ay diidaan lacagta ay waydiiso.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo hesha dakhli ka badan kan dowladda

MUQDISHO, Soomaaliya - Warbixin cusub oo uu saarey Machadka Hiraal, oo arrimaha amniga ka faalooda, ayaa lagu sheegay in Kooxda Al-Shabaab ay aruuriso dakhli ka badan midka dowladda Soomaaliya.

Al-Shabaab waxay heshaa bil walba ugu yaraan $15m [Shan iyo toban milyan oo doollar], iyadoo in ka badan kala bar ay ka imaanayso lacagtaas magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Ganacsiyada qaarkood waxay lacag siiyaan Al-Shabaab iyo dowladda.

Al-Shabab waxay la dagaalamaysay dowladda Soomaaliya in ka badan toban sano. Kooxdu waxay maamushaa qeybo kamid ah Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, laakiin waxay awood u yeelatay inay gacanteeda ku fidiso meelaha ay maamusho dowladda, sida Muqdisho.

Warbixinta ayaa ku tilmaamtay "wuxuushnimo" habka kooxdu lacagaha uga qaado dadka reer miyiga ah. "Cabsida iyo hanjabaada ayaa ah mida kaliya ee dadka ku bixiyaan canshuurta Al-Shabaab".

Si ka duwan dowladda Soomaaliya, Al-Shabaab waxay heshay "kobac dhaqaale" maaddaama tirada lacagta ay kasoo ururiso dadka ay kordhayso sannad kasta, halka kharashyada ku baxa howlgallada Kooxda ay aad u yar yihiin, islamarkaana waxba ku kordhaynin, maadaama aysan mushahaar siinin wiilasha u dagaalamaya.

Dhammaan shirkadaha waaweyn ee ka jira Soomaaliya waxay siiyaan Al-Shabaab lacag, ha ahaato mid bil kasta la bixiyo iyo sannad kasta taasoo ka dhigan 2.5% macaashka sannadlaha ah. Ganacsatada goobaha ay dowladdu maamusho waxay ka cabanayaan inay labo lacag bixiyaan.

Waxay Al-Shabaab lacag badan ka qaadaa ganacsiga ku yaalla hareeraha Villa Somalia ee Muqdisho, Bossasso, Jowhar, Kismaayo iyo Baydhabo, oo dhammaantood ku jira gacanta dowladda iyo Maamul Goboleedyada.

Al-Shabaab ayaa canshuur ka qaada badeecooyinka kasoo degta Dekedda magaalada Muqdisho oo ah isha dhaqaale ee ugu weyn dowladda Soomaaliya. 

Machadka Hiraal ayaa sidoo kale sheegay in shaqaale badan oo u shaqeeya dowladda ay siiyaan qeyb kamid ah mushaarkooda Kooxda Al-Shabaab, iyagoo rajeynaya inay ka badbaadi doonaan dilalka khaarijinta ah.

Waxay dadkan lacagaha ku diraan qaab casri ah oo taleefonka gacanta iyo akoono uga furan Al-Shabaab bangiyadda dalka, waxaana arintaasi dabagalay gudiga khubarada Gollaha Amaanka ee QM, oo warbixintooda uu daabacay dhawaan New York Times.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.