Al-Shabaab oo hub isagu dhiibtay Beelaha Mandheera si ay gaarto hal hadaf

Mandera khatarta ka jirta ayaa ah inay tahay meesha ugu weyn ee kasoo gudbaan dagaalyaanada Al-Shabaab ee ka yimaada Soomaaliya, kuwaasoo loo soo diro inay weerarada ka geysta wadanka Kenya.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo hub isagu dhiibtay Beelaha Mandheera si ay gaarto hal hadaf

MANDHEERA, Kenya - Magaalada Mandheera ee ku taalla cirifka bari ee woqooyiga Kenya waa meel aad adag in lagu noolaado, sababo dhinac amniga, kulaylka daran iyo adeegyada dowladda Kenya oo aan soo gaari-karin.

Al-Shabaab ayaa hub casri ah isagu dhiibtay qabaa'ilka ka soo kala jeeda labada dhinac ee magaaladda oo ku taalla xuduudka Soomaaliya, si ay u gaarto hadafka ah inay u fududaato weerarada ay ka fuliso Kenya.

Mandera khatarta ka jirta ayaa ah inay tahay meesha ugu weyn ee kasoo gudbaan dagaalyaanada Al-Shabaab ee ka yimaada Soomaaliya, kuwaasoo loo soo diro inay weerarada ka geysta wadanka Kenya.

Al-Shabaab ayaa mas’uul ka ah weeraro badan oo argagixiso oo ka dhacay Kenya tan iyo 2013.

Kooxdan argagixisada waxay kaloo xoojisay iskahorimaadyada qabaa'ilka magaaladda Mandheera, iyadoo u keentay hub casri ah oo siisay dhinacyada ku loolamaya xukunka iyo khayraadka dhulka.

Isku dhacyadan ayaa laga digay inay sii kordhaan inta lagu jiro xilliga doorashada soo socota ee Kenya oo sanadka dhacaysa, taasoo ka duwan kuwii hore kadib markii musharaxiinta sameeyeen kicin dadweyne.

Aminiyaat-ka Al-Shabaab, oo loo xilsaaray ururinta xogaha Sirdoonka, ayaa aad u galay Kenya labadii sano ee lasoo dhaafay, iyagoo dhalinyaro badan ka qortay gobolka Waooyiga Bari, oo Soomaali degto.

Gobolkan oo dayacnaa tan iyo waagii gumeysiga, ayaa dhawaan dowladda Kenya billowday in si dhab ah isha ugu hayso kadib markii hoy u noqdey Al-Shabaab, oo askar badan looga dilay 8 sano ee lasoo dhaafay.

Amni darada ayaa caado noqotay Gobolka, iyadoo dagaalyahanada Al-Shabaab ay si xor ah u dhex mushaaxayaan, kuwaasoo argagax ku haya shacabka, islamarkaana weerara xarumaha dowladda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.