Al-Shabaab oo iska fogeysay war saaka ka soo baxay NISA

Kooxda Al-Shabaab ayaa wax lagu qoslo oo been abbuur ah ku tilmaamtay warkii saaka kasoo baxay hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo iska fogeysay war saaka ka soo baxay NISA

MUQDISHO, Soomaaliya – Kooxda xiriirka la leh Al-qaacida ee Al-Shabaab, ayaa iska fogeysay in shaqsi lagu magacaabo Maxamed Maahir, oo iyaga ka tirsan uu qorsheynayo khaarijinta Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweynihii hore Farmaajo.

Sida ay baahisay mid ka mid ah warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab, saraakiil ka tirsan kooxdaas, ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay warka saaka xilli hore lagu daabacay bogga ay NISA, ku leedahay Twitter-ka ee khal-khal galinta looga dan lahaa.

Warka Al-Shabaab, waxaa lagu sheegay in hay’adda Nabad-sugidda, ay qoraalkaas ka leedahay dano gaar ah, isla-markaana ay si runta ka fog u masabidatay Al-Shabaab, oo hore ugu geyfanaa beegsiga Madaxda, Siyaasiyiinta iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Todobo bil ka hor, Al-Shabaab, waxa ay sidaan oo kale iska fogeeyeen, eed ay NISA, dusha ka saartay oo ahayd in ay af-duubeen Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd saraakiisha hay’adda , kadibna ku dileen gobolka Jubbada dhexe.

KEYDMEDIA ONLINE  

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.