Al-Shabaab oo ka fashilmay weerar ka dhan ah saldhiga Mareykanka

June 2018, hal askari oo Mareykan ah ayaa ku dhintay, qaar kalena way ku dhaawacmeen weerar Al-Shabaab ku qaadey saldhigooda Baar-Sanguuni, oo 50-KM dhanka waqoyi uga beegan Kismaayo.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo ka fashilmay weerar ka dhan ah saldhiga Mareykanka

KISMAAYO, Soomaaliya - Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay inay shalay ay ku toogteen duleedka Koonfureed ee Kismaayo qof isa soo miidaamiyay oo rabey inuu saldhigooda weeraro.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in Ciidanka Danab, ee Mareykanka la howlgala ay dileen ninkan kahor inta uusan gaarin bartilmaameedkiisa, sidoo kalena ay qabteen Garai lagu soo xiray walxaha qarxa, oo weerarka qeyb ka ahaa.

Waxay Ciidanka sidoo kale dileen labo kale oo Al-Shabaab katirsan, oo qaraxyo miino ka fuliyay degaanada Beerxaani iyo Gabdhoole, oo qiyaastii 40-KM u jira magaaladda Kismaayo intii uu socday howlgalka Ciidanka maalintii shalay.

Ninka la toogtey isaga ayaa wadey Gaariga qaraxa, oo markii la dilay kadib gacanta lagu dhigay, waxaana loogu yeeray Ciidanka ku takhasusay miinooyinka, si ay kala fur-furaan qaraxyada ku xiran.

Goobta qaraxa lagu fashiliyay waxaa ka dhaw Saldhig ay leeyihiin Ciidanka Mareykanka, oo June 2018 la weeraray, kaasoo ku yaalla degaanka Baar-Sanguuni, oo 50-KM dhanka waqooyiga uga beegan Kismaayo. Weerarka waxaa lagu dilay hal askari oo Mareykanka ah, waxaana ku dhaawacay kuwa kale.

Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada qaraxyada iyo dilalka markii dalka doorashadda ka billaabatay 2021, iyadoo ka faa'ideysanaysa kala-guurka iyo duqeymo la'aanta militeriga Mareykanka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.