Al-Shabaab oo laga qabsadey magaalo muhiim ah

Kooxda Al-Shabaab ayaa isaga baxday Tuulooyin badan oo gobolka Hiiraan ku yaalla, halkaasoo uu ka socdo dagaal ay ka qeyb qaadanayaan dadka degaanka.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo laga qabsadey magaalo muhiim ah

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka dowladda Soomaaliya oo kaashanaya dadka degaanka ayaa Maanta si nabad ah kula wareegay degaanka Xawaadley oo ku dhaw degmada Balcad, ee gobolka  Sh/Dhexe.

Tani ayaa ahayd mid lama filaan ah inay Al-Shabaab si dagaal la'aan ah gacanteeda uga baxdo magaaladdan muhiim u ahayd isku xirka howlgalladeeda gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Degaanka Xawaadley hadda wuxuu ku biiray goobaha la xoreeyay, iyadoo dadka degaanka ay sheegeen in Ciidanka dowladda ay fariismo ka sameysteen gudaha iyo dibadda, si ay u adkeeyaan amniga iyo xalisoonida.

Degmada waxay leedahay buundo isku xirta Gobolada Dhexe iyo kuwa Koonfurta, gaar ahaan Shabeellaha Dhexe, taasi oo kooxda ay mari jireen dagaalyahanada iyo sahayd loo qaado dagaalka Hiiraan, sida uu sheegay Korneyl Abuukar Boonow, oo kamid ah Militeriga Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa guulo ka gaartey dagaalka socda gobollada Dhexe, kaasoo ah fursad weyn oo Xasan Sheekh dowladiisa heshay, taasoo u baahan in si ximad leh loo maareeyo.

Al-Shabaab ayaa dareentay guluf dhinac walba ah, iyadoo dowladda billowday inay dhanka dhaqaalaha ka go'doomiso, oo ganacstada ku amarto inaysan bixin Canshuurta ay siin jireen Kooxda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.