Al-Shabaab oo laga saarey degmadii ugu dambeysay Shabeellaha Dhexe

Todobaad kahor, Al-Shabaab waxaa laga fara-maroojiyay degmada Aadan Yabaal, oo ahayd xarunta ugu weyn Kooxda oo xafiisyo Canshuuraha iyo Maxkamad ku lahayd.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo laga saarey degmadii ugu dambeysay Shabeellaha Dhexe

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Al-Shabaab laga saarey Guud ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii Ciidamada la wareegeen magaaladii ugu dambeysay oo ah Ruun-Nirgood.

Afhayeenka Wasaaradda difaaca Jen Caanood ayaa xaqiijiyay qabashadda degmada Ruun- Nirgood, isagoo sheegay in lagu dilay 150 xubnood oo katirsanaa Al-Shabaab, oo 5 ajaaniib ay ku jireen.

Qabashadda degmada Ruun- Nirgood, oo 245-KM waqooyi ka xigta Muqdisho, ayaa timid kadib howlgal maalmo qaatey, oo Ciidanka dowladda iyo dadka degaanka sameeyeen, kaasoo Tuulooyin dhowr ah sidoo kale kula wareegeen.

C/kariin Xuseen Guuleed, Madaxweynihii hore ee Galmudug iyo Wasiirkii Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa ka hadlay qabashadda degmada, isagoo hambalyo u diray reer HirShabeelle.

Hambalyo reer Hirshabele oo ayagoo isku duuban kaashanayana ciidamada Xoogga Dalka ka xoreystay cadowga argagaxisada ah degmadii ugu danbeysay ee maamulkooda. Degmadaas oo ah degmada Ruun- Nirgood. Waxaana rajeynayaa in deegaanada galbeedka ee maamulka ee ay wali ku sii harsan yihiin haraadiga cadowga deg deg ay oga xoreysan doonaan” ayuu yiri mudane Guuleed.

Todobaad kahor, Al-Shabaab waxaa laga fara-maroojiyay degmada Aadan Yabaal, oo ahayd xarunta ugu weyn oo xafiisyo Canshuuraha iyo Maxkamad ku lahayd, waxaana booqday RW Xamza, oo dhex fariistay Madaxtooyadii Kooxda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.