Al-Shabaab oo laga saarey Saldhig muhiim u ahaa

Degaanka ayaa ahaa goobtii ay u baxsadeen xoogagaii Al-Shabaab ee kasoo baxay degmada Aadan Yabaal.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo laga saarey Saldhig muhiim u ahaa

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxay Ciidanka dowladda la wareegeen degaanka Al-Kowthar, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

Jen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay inay Maanta dagaal la'aan Ciidanka ku galeen degaanka, kadib markii Al-Shabaab ka carartay.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in Al-kowthar ahayd Tuulo ay u carareen Al-Shabaab-kii kasoo cararay Aadan Yabaal.

Tani ayaa ah dharbaaxo kale oo ku dhacday awoodii Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe, oo gebi ahaan laga saaray meeliihii ugu muhiimsanaa.

Maalmo kahor Ciidanka ayaa qabsaday Aadan Yabaal oo 245KM waqooyiga ka xiga Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.