Al-Shabaab oo Muqdisho ku beegsanaysa Beesha degta Cadaado

Al-Shabaab ayaa ugaarsi ku haysa Nabadoonada, Ganacsatada, Aqoonyahanada iyo Waxgaradka kasoo jeeda Beesha Reer Xaaji Saleebaan, ee degta degmada Cadaado.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo Muqdisho ku beegsanaysa Beesha degta Cadaado

CADAADO, Soomaaliya - Waxaa Maanta Muqdisho lagu dilay Labo Nin oo Shacab ahaa, kuwaasoo ku shaqeysan jiray Gaadiidka Xamuulka ee isaga kala Goosha Muqdisho iyo Gobollada Dhexe.

Dilka waxa uu ka dhacay nawaaxiga Masjidka Cali Xareed, oo ku dhaw Isgoyska Baar Ubax, waxaana dableyda ku hubeysan Bastoolad ay ku beegsadeen Cabdi Seytuun iyo Kowte Faarax.

Labada la dilay waxay kasoo jeedaa Beesha reer Xaaji Saleebaan, oo degta magaaladda Cadaado, taasoo dadkeeda mudooyinkii dambe lagu beegsanayay magaaladda Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa ugaarsi ku haysa Nabadoonada, Ganacsatada, Aqoonyahanada iyo Waxgaradka kasoo jeeda Beesha Reer Xaaji Saleebaan, ee degta degmada Cadaado.

Sababta ayaa ah in Beesha khasaaro xoogan ku gaarsiisay Al-Shabaab degaanka Baxdo, halkaasoo maalin kaliya lagu dilay 70 in ka badan oo dagaalyahanno kamid ahaa Kooxda.

Waxay u muuqataa inay Al-Shabaab dilalka beegsi ay ku doonayso inay cadaadis ku saarto Beesha, si ay u joojiso dagaalka ay kula jirto, ugana baxdo degaanka Baxdo, oo ku dhaw Cadaado.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.