Al-Shabaab oo odayaal dhaqameed ku af-duubtay Galgaduud

Kooxda Al-Shabaab ayaa odayaal dhaqameed ku af-duubtay degaanno hoos taga caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo odayaal dhaqameed ku af-duubtay Galgaduud

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Waraka ka imaanaya Galgaduud ayaa sheegaya in ku dhawaad 15 oday dhaqameed ay kooxda Al-Shabaab ka qafaasheen degaanada Beer-cabdi-faarax iyo degaanka Orshe oo u dhexeeya Beer-liibaangale iyo Beera-xaadle.

Deganadaan ay Al-shabaab qafaalka ka geysteen ayaa dhanka Bari ka xiga Magaalada Dhusamareeb, dhanka degmada Ceelbuur ayay ula dhaqaaqeen Odayaashan.

Ma cadda u jeedada ay Al-Shaabab nabadoonadan u qafaasheen, mana ahan markii koobaad oo kooxdaan ay odayaal dhaqameed af-duubtaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.