Al-Shabaab oo qaraxyo ku burburisay Ceelal-biyood

Ceelalashan ayaana muhiim u ahaa shacabka reer guuraaga ah ee dagan deegaanka iyo tuulooyinka ku dhow magaaladda Gaalkacyo, ee xarunta gobolka Mudug.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo qaraxyo ku burburisay Ceelal-biyood

GAALKACYO, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa xalay waqti dambe qaraxyo ku burburisay Ceelal-biyood dadka biyaha ka cabi jireen, oo ku yaalla duuleedka degaanka Bacaadweyn.

Ceelalashan ayaana muhiim u ahaa shacabka reer guuraaga ah ee dagan deegaanka iyo tuulooyinka ku dhow magaaladda Gaalkacyo, ee xarunta gobolka Mudug.

Kooxda Al- Shabaab ayaa bilihii dambe xoojisay weerarada gobolka, si ay dadka shacabka ah u baqdin galiso, dhamaadki sanadkii hore ayay ahayd marki dagaal xoogan kula galeen dadka shacabka ah ee deegaanka Bacaadweyn.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Gobolka iyo kan deegaanka oo ku aadan Ceelasha la burburiyay, oo sababay inay dad badan waayaan biyo ay cabaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.