Al-Shabaab oo laga raacdeeyay degaanno dhaca Sh/hoose

Degaannadaan oo dhaca gobolka Shabeelaha hoose ayay Dowladdu sheegtay in khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay dagaallamayaasha Al-Shabaab, kuwaas oo ku guda jiray is aruursi u jeedkiisu ahaa arbushaad iyo weerar dhaba-gal ah.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo laga raacdeeyay degaanno dhaca Sh/hoose

MARKA, Soomaaliya - Ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka oo muddadii Farmaajo xilka hayay lagu caburin jiray shacabka iyo siyaasiyiinta Muqdisho ayaa hadda door muuqda ka qaadanaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay Dowladda Federaalka, Ciidanka NISA oo garab ka helaya Booliska Haramcad ayaa si buuxda ula wareegay degaannada Gandarshe iyo Jilib Marka oo ay in muddo gacanta ku hayeen Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab.

Degaannadaan oo dhaca gobolka Shabeelaha hoose ayay Dowladdu sheegtay in khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay dagaallamayaasha Al-Shabaab, kuwaas oo ku guda jiray is aruursi u jeedkiisu ahaa arbushaad iyo weerar dhaba-gal ah.

Ciidanka NISA iyo Booliska Haramcad ayaa horay waxay howlgalo balaaran uga sameeyeen deegaano badan oo ku yaala inta ku dhaxaysa Muqdisho ilaa iyo magaalada Marka, waxaana Dowladdu hore u sheegay in la sifeeyay jidka isku xira labada magaalo.

Dhawaan ayay ahayd markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka oo ka tallaabay gobolka Shabeellaha dhexe ayaa u gudbeen gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya iyagoo kaabiga ku haya degaanno ay muddo gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Wax ka yar lix bilood tan iyo markii uu howlgalka ka dhanka Al-Shabaab billowday, ciidamada Dowladdu waxa ay xoreeyeen dhulkii ugu ballaarnaa oo dhaca bartamaha Soomaaliya, waxaana Al-Shabaab wajahayaan howlgalkii ugu adkaa waayahooda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.