Al-Shabaab oo sheegatay dilal ka dhacay Muqdisho

Waxay ahaayeen Koox dhalinyaro Dharcad ah, oo u shaqeeya NISA, iyagoo ku sugan Buundooyinka ayaa la weeraray kadibnka halkaas lagu dilay.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo sheegatay dilal ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa soo saartey war qoraal ah oo ay ku sheegatay Mas'uuliyadda dilka afar kamid ah NISA saakay barqadii loogu geystay magaaladda Muqdisho.

Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Buundooyinka, oo katirsan degmada Waaberi kadib markii rag bitoolado ku hubeysan oo Al-Shabaab ah ay weerar ku qaadeen Koox dharcadka NISA katirsan oo wadada marayay.

Afar ayaa goobta lagu dilay mid kalena wuu ku dhaawacmay, sida ay Al-Shabaab sheegtay. Dilalkan ayaa kusoo beegmaya xili Caasimadda Soomaaliya xaaladda amni ee ka jirta sii xumaanayso.

NISA ayaa jidadka kusoo daadisay dhawaan dhalainyaro badan oo dharcad ah, oo dalka Eritrea lagu soo tababarey kuwaasoo abuuray qalqal amni kadib markii iyaga iyo Al-Shabaab la kala garan waayay, maadaam ay isku mid wax u ugaarsadaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.