Al-Shabaab oo sheegatay weerarka Elite hotel

War qoraal ah oo Kooxda ay soo saartey ayay ku sheegtay in xiliga weerarka ay ku sugnaayeen gudaha hotel-ka mas'uuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya, oo Xildhibaanno u badan.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa dhabarka u ridatay mas'uuliyadda weerarkii argagaxiso ee galabta lagu qaadey Elite hotel oo ku yaalla xeebta Liida, ee magaaladda Muqdisho.

Kooxda ma aysan sheegin tirada dadka ay ku dishay qaraxa iyo weerarkii tooska ahaa ee ka dhacay hotel-ka.

Booliska ayaa sheegay in 10 qof in ka badan ay ku dhinteen, sidoo kalena 40 kale ay ku dhaawacmeen, waxaana wali ka socda hotel-ka rasaas goos-goos ah, oo ay ridayeen Ciidanka iyo rag hubeysan oo dagaalamaya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.