Al-Shabaab oo sii deysay maxaabiis u dhalatay Iiraan

Dhammaadkii bishii November 2022 ayay ahayd markii ciidamada ammaanka Galmudug ay gacanta ku dhigeen 20 nin oo ajnabi ah, kuwaas oo isugu jiray 14 Iranian ah iyo lix Pakistani ah kuwaas oo laga qabtay meel 60km u jirta degmada xeebta ku taalla ee Hobyo.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo sii deysay maxaabiis u dhalatay Iiraan

TEHRAN -  Sawirro laga qaaday garoonka caalamiga ah ee Imam Khumeyni oo ku yaalla dhanka galbeed ee caasimadda Iran ee Tehraan ayaa muujinaya kalluumaysato Iiraaniyiin ah oo dib ugu laabanaya dalkooda kuwaas oo muddo lagu heystay Soomaaliya.

Sida ay qortay Mehr News Agency oo ku hadasha afka Dowladda Iiraan shaqsiyaadkaan ayaa dib ugu laabtay dalkooda kaddib markii ay muddo siddeed sano ah gacanta ugu hayeen kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta.

Warka waxaa lagu sheegay in kalluumeysatadaan oo degganaa magaalada Chabahar ee koonfur bari dalka Iran ay Kooxda Al-Shabaab u gacan galeen sanadkii 2014-kii, isla-markaana hadda lagu soo daayay dadaallada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran.

“14 Kalluumeysato u dhashay dalka Iran oo gacanta ugu jiray kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya ayaa lagu sii daayay la tashi iyo dadaal ay sameysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran”. Ayaa lagu yiri warka ay qortay wakaaladda Mehr.

Dhammaadkii bishii November 2022 ayay ahayd markii ciidamada ammaanka Galmudug ay gacanta ku dhigeen 20 nin oo ajnabi ah, kuwaas oo isugu jiray 14 Iranian ah iyo lix Pakistani ah kuwaas oo laga qabtay meel 60km u jirta degmada xeebta ku taalla ee Hobyo.

Sadiiq Aadan Cali oo ah Afhayeenka Booliska, ayaa xilligaas sheegay in qaar ka mid ah raggaan horraantii sanadkii 2014-kii ay kooxda Al-habaab afduubteen, halka kuwa kalena ay bartamihii sanadkii 2019-kii ka afduubteen meel u dhow xeebta degmada Xarardheere.

Bishii Ogosto 2020, ayay ahayd markii Saddex kalluumeysato Iranian ah ay dib u heleen xorriyaddooda laga sii daayay burcad badeed Soomaali ah oo afduub ku heysttay muddo shan sano ah, kaddib markii laga bixiyay lacag madaxfurasho ah oo dhan $180,000.

Sidaas oo kale dabayaaqadii sanadkii 2019-kii, la heyste u dhashay Iran ayaa isna lagu guuleystay in laga sii daayo gacanta burcad badeed Soomaali ah oo afduub ku heysatay muddo shan sano ah. Iraan waxa ay ka mid tahay dalalka xaalufiyay biyaha Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.