Al-Shabaab oo wali ‘ka diriraya’ darbiga Villa Somalia

Isbuucyadii la soo dhaafay warsidaha KON, wuxuu baahiyay digniino amni oo qaarkood ay noo soo dusiyeen saraakiil amni iyo shaqaalaha hay’adaha iyo safaaradaha ku sugan Muqdisho, kuwaas oo muujinayay in la beegsan doono agagaarka Villa Somalia.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo wali ‘ka diriraya’ darbiga Villa Somalia

MUQDISHO, Soomaaliya – In ka badan 12 saac ayay xubno ka tirsan Al-Shabaab ka dhex dagaallamayaan Hotel ganacsi oo ku yaalla dhabarka danbe ee Madaxtooyada Soomaaliya, kaas oo lagu magacaabo Villa Rosa kuna yaalla goob ammaankeeda aad loo ilaaliyo.

Sida ay Keydmedia Online u sheegeen qaar ka mid ah dadka deggan degmada Boondheere wali waxaa la maqlayaa rasaas ka dhacaysa gudaha Hotelka, Boolisku waxa ay 10 saac ka hor sheegeen in ay weerarka soo af-jari doonaan, hayeeshee wali kuma guuleysan.

Xogo kala duwan ayaa ka soo baxaya weerarka abaaraha 8:05 PM ee xalay billowday, waxaana la warinayaa in ugu yaraan 7 kamid ah masuuliyiinta Dawladda oo uu ku jiro Wasiirka Amniga XFS ay wax-yeello ka soo gaartay, waxaana jira dhimasho dad rayid ah.

Waxaa si weyn la isku weydiinayaa waxa sababay in dabley ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ceynkaan ah ku qaadaan xarun la mid ah Villa Rosa oo ay ku hareereysan yihiin ugu yaraan shan ‘Checkpoint’ oo ah kuwa ugu muhiimsan ee laga sugo amniga Villa Somalia.

Mid ka mid ah baraha Koontarool ee yaalla Ceelgaabta, Sayidka, Daljirka, Tiyaatarka iyo 15 May ayay waajib tahay in dableydu ka gudbtay, xilli ay xusid mudan tahay in aan qaarkood la oggoleyn in shacabku adeegsado, halka qaarka kalana laga mamnuucy shaqaalaha DF.

Isbuucyadii la soo dhaafay warsidaha KON, wuxuu baahiyay digniino amni oo qaarkood ay noo soo dusiyeen saraakiil amni iyo shaqaalaha hay’adaha iyo safaaradaha ku sugan Muqdisho, kuwaas oo muujinayay in la beegsan doono agagaarka Villa Somalia.

Tan iyo bartamihii bishaan waxaa xiranaa waddooyin muhiim ah oo ay ku jirto waddada Dabka marta ee aadda dhanka Sayidka, taas oo sababtay in ay xirmaan xarumihii ganacsi ee ku yaallay aaggaas, taas oo muujineysay inta ay la eg tahay khatarta amni ee jirta.

Iyadoo amniga sidaas looga taxadaray ayay Al-Shabaab u suura-gashay in ay hadda ka dagaallamayaan goob aan ka dheereyn hoyga uu deggan yahay Madaxweynaha Waddanka, taas oo ka dhigan in ay xeyndaabka ku jiraan shaqsiyaad ka ganacsanaya amniga.

Sidee dabley hubeysan oo aan la hubin uga gudbi karaan Checkpoint-ka ugu adag ee la maro? Sidee waddooyinkii loo diiday in ay adeegsadaan shaqaalaha rayidka ay ugu laafyoon karaan dagaallamayaal ka tirsan Al-Shabaab? Dabcan waxaa jira ka ganacsi amni.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.