Al-Shabaab oo Weerar culus ku qaaday Ciidamada Kenya

Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka geysaneyso gudaha dalka Kenya tan iyo wixii ka dambeeyay sanadkii 2011 oo ay cCidamada Kenya gudaha Soomaaliya soo galeen.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo Weerar culus ku qaaday Ciidamada Kenya

MUQDISHO, Soomaaliya – Wararka laga helayo deegaanka Yuumbis oo hoostaga degmada Gaarisa ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay xalay weerar culusu ku qaadeen saldhig ay ku suganyihiin Ciidamada Milaterig dalka Kenya.

Dagaalka ayaa la sheegayaa in uu ahaa mid xooggan, kaasoo dhaliyay khasaaro isagu jira dhimasho iyo dhaawac, wallow aan tirada rasmiga la ogeyn. Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa qortay in dagaalkaas Ciidamada Kenya looga dilay ku dhawaad lix askari, halka tiro intaa ka badanna looga dhaawacay.

Dhinaca kale, dowladda Kenya ilaa iyo hadda war rasmi ah kama soo saarin dagaalkaan ka dhacay Yuumbis.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.