Al-Shabaab oo weerar kale ka fulisay Kenya

Taliyaha Booliska Kenya ee gobolka Waqooyi Bari Rono Bunei ayaa xaqiijiyay weerarka.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo weerar kale ka fulisay Kenya

MANDHEERA, Kenya - Weerar ka duwan kuwii hore ayay Kooxda Al-Shabaab xalay ka fulisay gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, kaasoo uu ku dhintay ugu yaraan hal qof, qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Taliyaha Booliska gobolka Rono Bunei ayaa sheegay in Al-Shabaab qarax miino la eegatay Gaari Ambalaas ah, oo wadey hooyo xaamilo ah, oo inay ku dhasho loogu wadey Isbitaalka magaalada Ceel-Waaq.

Ninka qabey Hooyad uurka leh ayaa ku dhintay weerarka oo ku billowday qarax kadibna xigtay rasaas lagu furey Gaariga Ambalaaska xili uu marayay tuuladda Dabacity oo katirsan Mandheera.

Darawalka Gaariga iyo Kalkaaliso ayaa ku dhaawacmay, waxaana la dhigay Isbitaalka Ceel-Waak, sida uu sheegay Rono Bunei, isagoo intaas ku daray hadalkiisa inay Ciidanka amniga ku raadjoogaan kuwii falkan geystay.

Weeraka ayaa kusoo beegmaya maalmo kadib markii xubno badan oo katirsan Al-Shabaab oo lagu qiyaasay illaa 7 lagu dilay howlgal Ciidanka Kenya ka fuluyeen keymaha Boni, oo Lamu katirsan.

Al-Shabaab ayaa beegsanaysay Kenya tan iyo markii Ciidanka ka socda dalkan ay duulaanka kusoo qaadeen Soomaaliya 2011, iyagoo sanad kadibna si rasmi ah uga mid noqday AMISOM.

Kenya waxaa ka dhacay tan iyo 2013 weeraro waaweyn oo horey aan Geeska Afrika uga dhicin, kuwaaso ay kamid ahaayeen Westgate Mall, Garissa University iyo Dusit D2 hotel, waxaana lagu dilay boqolaal qof.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.