Al-Shabaab oo weerar ku qaadey Saldhig Ciidan

Dadka degaanka Sabiid ayaa u sheegay Keydmedia Online inay maqlayeen dhawaqa hubka culus, qaraxyo iyo rasaasta ay isku adeegsanayeen Ciidamada DF iyo Al-Shabaab

Warar Keydmedia Online

SABIID, Soomaaliya - Degaanka Sabiid ee gobolka Shabeellaah Hoose, oo billooyin kahor la wareegtay dowladda ayaa waxaa ka dhacay weerar Al-Shabaab ku qaadey saldhig Ciidamada ay ku leeyihiin halkaasi, sida ay sheegeen dadka degaanka.

Dagaal xoog leh ayaa dhacay kaasoo yimid kadib markii Al-Shabaab ay isku dayday inay xoog kula wareegto saldhiga, oo ay ku sugan yihiin Ciidamo badan kuwaasoo iska caabiyay weerar argagaxiso. Al-Shabaab ayaa Isniintii sida oo kale u weerartay saldhiga Ciidanka xoogga dalka ee degaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.