Al-Shabaab oo beegsatay Xildhibaan u dhashay Kenya

Booliska ayaa sheegay in askarta dhaawacantay ay ka mid ahaayeen koox galbisay kolonyada xildhibaan Ibraahim Cabaas oo ka tirsan Baarlamaanka Ijara kuna sii jeeday Hulugho markii la weeraray.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo beegsatay Xildhibaan u dhashay Kenya

GARISSA, Kenya - Saddex askari oo ka tirsan booliiska dalka Kenya, ayaa ku dhaawacmay qaxar miino oo ka dhacay duleedka degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya oo xuduud dhuleed la wadaaga dalka Soomaaliya.

Askarta dhawaantay oo ka tirsan AP’s Critical Infrastructure Police Unit (CIPU) ayaa la socday kolonyo galbineysay xildhibaan Ibraahim Cabbaas, oo ka tirsan Baarlamaanka Ijara, wuxuuna weerarku ka dhacay inta u dhaxeysa Ijara iyo degaanka Sangole.

"Darawalkii iyo askar kale ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo halis ah," ayay booliisku ku sheegeen warbixin, taasoo lagu muujiyay in gaariga qaruxu haleelay uu ahaa -Toyota Landcruiser, kaasoo intii badan burburay.

Taliyaha booliiska ee degaanka, George Seda ayaa sheegay in wali faahfaahintu ay kooban tahay, wuxuuna weeraka ku eedeeyay Kooxda Al-Shabaab, waana weerarkii labaad oo todobaad gudihiis ka dhaca gobolka waqooyi-bari.

1-dii bishan June, rag hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda xiriirka la leh Al-qaacida ee Al-Shabaab ayaa weerar ku dhaawacay askari ka tirsan ciidamada ammaanka oo marayay wadada isku xirta Bura iyo Gaarisa.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weeraro noocaan oo kale ah ka geysatay gobolkan, gaar ahaan Wajeer, Gaarisa iyo Mandheera, iyo qaar ka mid ah gobollada xeebta, kuwaas oo sababay dhimashada in ka badan 40 qof tan iyo bilowgii sanadkan.

Inta badan weeraradan ayaa lagu bartilmaameedsadaa ciidamada ilaalada wadooyinka muhiimka ah ee ku teedsan xuduuda kala qeybisa Kenya iyo Soomaaliya, waxaana weeraradan ay sababeen dhimasho iyo dhaawac xooggan.

14-kii Maarso, ugu yaraan 11 askari oo ka tirsan ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ayaa la dilay kadib markii gaari ay la socdeen qarax lagula eegtay degaanka Giriley ee gobolka Gedo ee Soomaaliya, una dhow xuddoodda labada dal.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.