Al-Shabaab oo weerarro is xig-xiga ka fulisay Kenya

Kenya ayaa sanadkii 2015-kii bilowday dhismaha darbi dhererkiisu dhan yahay 700-km, si ay uga hortagto kooxaha hubeysan ee ka soo gudbaya dhanka Soomaaliya, hayeeshee wali waxaa muuqata in aysan xal u helin sugidda ammaanka gobolladda xuduudda dhaca.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo weerarro is xig-xiga ka fulisay Kenya

NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada difaaca Kenya ayaa lagu dilay ismaamulka Lamu, kaddib markii gaari uu la socday lala beegsaday walxaha qarxa. Bayaan ka soo baxay KDF ayaa lagu sheegay in shan askari ay kaga dhaawacmeen midna uu ku dhintay weerarka oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso.

Madaxa xiriiraadka ee KDF Brigidier Zipporah Kioko ayaa tilmaantay in ciidamada ay ku jireen roondo oo ay ku sugnaayeen degaanka Milma Faru ee ismaamulka Lamu markii gaari ay wateen uu haleelay qarxa la rumeysan yahay in ay waddada galiyeen dagaallamayaal ka tirsan Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab.

Waxa ay sheegtay in askarta dhaawaca ah ee aadka u daran loo duuliyay Isbitaalka Ciidanka Difaaca ee Memorial Hospital ee Magaalada Nairobi, halka kuwa kalena la geeyay Isbitaalka Manda Base, “KDF waxay tacsi u diraysaa qoyska askariga dhintay waxayna u rajeynayaan soo kabasho degdeg ah kuwa dhaawaca ah," ayay tiri.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya hal todobaad uun ka dib markii dagaallamayaal ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen baabuur ay wateen ciidamada booliska oo marayay inta u dhaxaysa xerada Hayley Lapsset iyo Gaarisa, weerarkaas ayaana sababay dhimashada hal qof oo rayid ah iyo laba askari oo booliis ah.

Waa dhacdadii Saddexaad oo muddo toddobaad gudihiis ah ka dhacda degaankaas, dhacdooyinkaas waxaa ku naf-wayay ugu yaraan shan ruux halka intaas ka badanna ku dhaawacmeen, iyadoo ay sii kordhayaan weerarrada ay gobolka xeebta ka geysanayaan dad lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Kooxda Al-Shabaab.

Kenya ayaa sanadkii 2015-kii bilowday dhismaha darbi dhererkiisu dhan yahay 700-km, si ay uga hortagto kooxaha hubeysan ee ka soo gudbaya dhanka Soomaaliya, hayeeshee wali waxaa muuqata in aysan xal u helin sugidda ammaanka gobolladda xuduudda dhaca ee dariska la ah Soomaaliya oo ay hadda baxsad ka yihiin Al-Shabaab.

Ciidanka Kenya waxay qeyb ka yihiin in ka badan 20,000 oo askari oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo dowladda federaalka ah ka caawiya la dagaalanka Al-Shabaab, ciidamada Kenya ayaana dalka soo galay 2011, kaddib markii Al-Shabaab afduubteen laba dalxiisayaal ah iyo shaqaale u shaqeynayay MSF.

KEYDMEIDA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.