Al-Shabaab oo xubno sare looga dilay dagaal

Kooxdan ayaa mudooyinkii dambe la kulmeysay guuldarooyinka dhanka dagaalka ay kula jirta Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo xubno sare looga dilay dagaal

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Mareykanka uu tababaray ee DANAB ayaa howlgallo militeri ka fuliyay qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose, oo ay ku xoog badan tahay Kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha Guutada 16aad ee DANAB Xasan Maxamed Cismaan ayaa sheegay in 8 xubnood oo Saraakiil ay kamid yihiin in Al-Shabaab uga dileen dagaallo ka dhacay duleedka Janaale iyo Wanlaweyne, iyadoo howlgalka lagu soo furtay hub iyo saanad Ciidan.

Duleedka Janaale, gaar ahaan Ugunji iyo Buslay waxaa lagu dilay 7 xubin oo kamid ahaa Al-Shabaab halka Tuulada Caliyow Barrow oo hoostagta Wanlaweyn lagu khaarijiyay horjooge lagu magacaabi jiray Nuux Dhag oo u qaabilsanaa Al-Shabaab canshuuraha.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in degaannadii uu howlgalka ka dhacay inay la wareegeen Ciidanka DANAB, waxayna dharbaaxo kale ku noqonaysaa Al-Shaaab oo mudooyinkii dambe guuldarooyin kala kulmeysay dagaalka ka socda Koonfurta.

Ciidanka DF oo garab ka helaya AMISOM ayaa isku dayaya inay dib ula wareegeen goobaha Al-Shabaab uga sugan tahay gobollada ay doorashooyinka ka dhacayaan, laga soo billaabo Mudug illaa Jubadda Hoose.

KEYTDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.