Al-shabaab oo laga qabsaday Degmada Jalalaqsi

Jalalaqsi (KON) - Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa Goor dhaw la wareegay Degmada Jalalqsi ee Gobolka Hiiraan Bartamaha Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online
Al-shabaab oo laga qabsaday Degmada Jalalaqsi

Warar ay heleyso Keydmedia online ayaa sheegaya in Ciidamadda Huwantaa ay la wareegeen Magaalada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan oo aheyd Degmada kaliya Al-shabaab ay ku sugnayeen Gobolka.

Ciidamada ayaa Degmada Nabadgalyo kula Wareegay,waxaana Magaalada ka Barakacay Dadkii Shacabka ahaa.

Goobjoogeyaal ayaa Keydmedia online u sheegay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Al-shabaab dagaal xoogan kula galeen Deegaanka Halgan oo Degmada Buulabarde Duleedka ah.

Dagaalka ayaa la sheegay in Khasaaro Xoogan uu geeystay inkastoo aan la sheegin Tirada Dadka Geeriyooday.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.