Al shabab: Godane kuma dhiman Weerarka, ee Hogaamiye kale ayaa lagu dilay

Muqdisho (KON) - Warar Saakay la soo geliyay Bogg Cusub oo Kooxda Al shabaab ka samaysateen Twitter-ka, ayaa lagu sheegay in uu been yahay Wararka Warbaahinta tebiyeen ee ahaa in Axmed Godane lagu dilay Weerarkii dhanka Cirka ahaa ee Habeenkii Isniinta ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose.
Warar Keydmedia Online
Al shabab: Godane kuma dhiman Weerarka, ee Hogaamiye kale ayaa lagu dilay

"Waxaan u sheegaynaa Warbaahinta inay joojiyeen Wararka Beenta ah ee sheegaya in Emir Sheikh Abu Zubeyr lagu dilay Weerarka, waxaan adiin leenahay Godane waa uu nool yahay, waxna masoo gaarin," ayaa lagu sheegay warka lasoo dhigay Twitter-ka.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Weerarka lagu dilay Qof kamid ah Al shabaab, balse Magaciisa & Darajadiisa aysan sheegin. Waxaa lagu yiri Warka Twitter-ka Diyaaradaha Cadow Alle waxa ay saddex Gantaal ku dhufteen Goob kayn/Duur ah waxa ay la kulmeen Iska caabin dhanka Al shabaab ah.

"Waxaan si sahlan ugu jwaabayna Watbaahinta Reergalbeedka, Emir Sheikh Abu Zubeyr waa uu noolyahay, howshisa ayuuna wataa, Jawaabna waan ka bixin doonaan Weerarka Mareykanka."

Bogga Cusub ee Twitter-ka Warkan lasoo dhigay waxa la sameeyay 10 Saac kahor, waxaana si rasmi ah loo xaqiijin karin in Al shabaab leeyihiin & inkala.

2008, Al shabaab si rasmi ah ayay u xaqiijiyeen in Hogaamiyahoodii Aadan Xaaji Ceyrow lagu dilay Weerar dhanka Badda ah oo Mareykanka ka danbeeyay, balse Maanta waa ay ka gaabsadeen waxaana taasi lagu micneeyay in 90% uu Godane ku dhintay Weerarkii Habeen hore.

Shakiiga jira waxa uu sal dhigan doonaan marka uu Godane soo diri Cajalad Maqal ah oo uu ku sheegayo inuu nool yahay & sida ay wax u jiraan.

UPDATE 10:10am: Kooxda Al shabaab ayaa kawada hadda Degmada Baraawe Howlgallo ay Dadka Deegaanka uga qaadayso Taleefoonada gacanta (Mobiles), kadib markii ay ka shakiyeen in Dad ku sugan Degmada ay hageen Weerarkii Habeen hore ee lala eegtay Axmed Godane.

Sidoo kale, Al shabaab waxa ay xireen Dad badan oo isagu jira Rayid & kuwa Kooxd kamid ah, waxaana ay sheegeen in Cidi ku cadaadata inuu la shaqeeyo Reergabeedka & DFS ay dili doonaan. Xaaladda Casbi ah ayaa ka jirta Degmada Baraawe & Deegaanada kale ee Al shabaab joogaan.

Wixii kusoo kordhaa Warkana kala soco Wararka denbe Insha Allah.!

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.