Al shabab oo burburiyay Ceel-Biyoodyo ku yaalla Gobalka Gedo

Garbahaarey (Keydmedia) - Wararka laga helayo Gobolka Gedo ee Koonfur Galbeed dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Al shabab Ceelal Biyaha laga cabi jiray oo ku yaalla Deegaanno ku yaalla Gobolkaasi.
Warar Keydmedia Online

Dadka ku nool Deegaanada Dhamase iyo Ceel Cadde ayaa sheegay in Al-Shabaab ay Bam ku xireen islamrkaana ay Qarax ku burburiyeen dhowr Ceel-Biyood oo ku yaallay Deegaanadaasi oo ay dadka si aad ah ugu tiirsanaayeen.

Joon C/laahi Xasan oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan Gobalka Gedo ayaa sheegay in deegaanada Ceelasha Biyaha laga qarxiyay hada aysan ka jirin wax Biyo ah, isagoo tilmaamay in Goobta ugu dhaw ee Biyo laga helo ay tahay meel 60-Km ujirta Deeganadaasi.

Al shabab ayaa sheegay in Ceelasha ay gubeen ay ahaayeen kuwa ay Biyo ka dhaansadaan Ciidaamada Itoobiya iyo kuwa dowlada KMG eek u sugan Gobolka Gedo.

Falkan ayaa si weyn waxa ay Cabsi dhinaca nolosha ah ugu beertay dadka deggan Deegaanada Dhamase iyo Ceel Cadde oo hoos taga magaalada Beled-Xaawo,kuwaasi oo ah dad Beeralay iyo Xoolo dhaqato ah.

Keydmedia.net-Xafiiska Muqdisho

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.