Al shabab oo Ganacsato ku xirxiray Deegaanka Wabxo ee G/Galgaduud

WABXO (Keydmedia) - Wararka Saacadihii ugu danbeeyay laga helayo Deegaanka Waxbo ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Kooxda Al shabab ay ku xireen Deegaankaasi ku dhowaad 5 Ganacsato caan ah.
Warar Keydmedia Online

Dadka Deegaanka Waxbo oo la hadlay Keydmedia ayaa sheegay in Maleshiyaad ka tirsan Al shabab ay Goobahooda Ganacsi kasoo kaxaysteen dadkan Ganacsatada ah xili ay ku guda jireen howlahooda Ganacsi kadibna ay ula dhaqaaqeen Saldhig ay ku leeyihiin Duleedka Deegaankaasi.

Al shabab ayaa ku eedeeyay Ganacsatadan inay wax ka iibin jireen Ciidamada Amxaaradda iyo kuwa Ahlu Sunna xilligii ay maamulayeen Deegaanka Wabxo oo Maalin kahor isaga baxay.

Deegaanka Waxbo ayaa ku dhowaad waxa uu 40 Km u jiraa Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, Bartamaha dalka Soomaaliya halkaasi oo Al shabab si dagaal la’aan ah kula wareegay Maalmihii ugu danbeeyay ee Isbuucan aan ku jirno kadib markii isga baxeen Ciidmada Ahlu Sunna iyo kuwa Amxaaradd ah.

Al shabaab ayaa kadib markii dhowaan looga awood roonaaday dagaalada ka socda Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya ayaa waxa ay lasoo baxeen Falal Gurracan oo ay ku xasuuqayaan dadka ku nool Deegaanada ay weli ku suganayahihin.

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.