Ferguson iyo Nemanja Vidic oo jaa’isooyin lasiiyay.

Keydmedia Sport) - Kadib markii xilli ciyaaredkaan kooxda Man. U. ay qaaday horyaalkeedii 19-aad ayaa waxaa tabaraha kasoo jeeda Scotland, Alex Ferguson, iyo kabtanka kooxdiisa, Nemanja Vidic, waxaa jaa’isado siiyay kooxda iskuduba ridka Premier League-ga.
Warar Keydmedia Online

Sir Alex Ferguson ayaa waxaa loo aqoonsaday tabaraha sabnadka ee  horyaalka Ingiriiska iyada oo  captain Nemanja Vidic isana lagu abaal mariyay ciyaaryanahka sanadka.

 

Abaalmarintaan ayaa waxa ay  Ferguson u noqoneysaa tii sagaalaad ee nuuceeda ah intii uu 12-ka horyaal u soo hoynayay kooxda ku dheesha  Old Trafford, waxaana sidoo kale  Vidic ay u noqoneysaa markii labaad ee loo aqoonsado in uu ku guulestay ciyaryahanka sanadka ee Ingiriiska tan iyo 2006-ii oo uu ku soo biiray kooxda.

Arintaan waxa ay u noqoneysaa kooxda Man. U.  in ay haabatay abaalmarinadii ugu qaalisanaa dalkooda.


Go’aanka lagu gudoonsiiyay ambaal marintaani Alex Ferguson iyo  Nemanja Vidic waxaa go’aan kagaaray Barclays Awards Panel oo ay kamid yihiin masuuliyiin kasocota xariirka kubada cagta Ingiriiska, warbaahinta iyo taagerayaasha kubada cagta.

 

Kooxda Manchester United waxa ay isbuuca soo socda kuwajihi doontaa  Barcelona ciyaarta kama danbeysta ah ee Champions League oo kadheceysay garoonka  Wembley, iyada oo u hanqal taageysa in ay ku guuleysato koobkaasi markii afaraad.


Keydmedia Sport

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.