Amaanka Dhuusamareeb oo aad loo adkeeyay

Amniga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa aad loo adkeeyay kadib markii Wafuud ka socda maamul goboleedyada dalka ay ku aadanyihiin magaalada. 

Warar Keydmedia Online

Maamulka Galmudug ayaa maalinta khamiista ee ku aadan 9-ka bisha ku martigelin doona magaalada Dhuusamareeb shir ay isagu imaanayaan madaxda shanta maamul goboleed ee ka jira Soomaaliya, kuwaasoo qaarkood khilaaf kala dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo.

Dalka waxaa ka jira khilaaf siyaasadeed oo meeshii ugu sareysay maraya, waxaa aad u yar wadashaqeynta dowladda dhexe iyo maamullada, taasoo meesha ka bixisay danta qaranka, oo ay kamid yihiin la dagaalanka Al-Shabaab, soo celinta nabadda iyo doorashooyinka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.