Amiirka Qatar oo qadka Taleefonka kula hadlay Farmaajo iyo Uhuru

Farmaajo ayaa qadka Taleefonka kula hadlay Amiirka Qatar kaasoo kasoo shaqeeyay soo laabashadda xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.

Warar Keydmedia Online
Amiirka Qatar oo qadka Taleefonka kula hadlay Farmaajo iyo Uhuru

MUQDISHO, Soomaaliya - Sheekh Tamim Bin Xamad Al-Thani ayaa wadahadallo qadka Taleefonka la yeeshay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynaha waqtigiisa dhamaadey ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Labada hogaamiye ayaa Sheekh Tamim uga mahadceliyay kaalinta uu ka qaatey dib usoo celinta xiriirkii Soomaaliya iyo Kenya oo mudo lix bilood ah maqnaa, waxaana isbedelkan uu yimid kadib markii Ergay ka socda Doha uu booqday Muqdisho iyo Nairobi.

Dowladda Qatar waxay soo dhaweysay ku dhawaaqida dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kenya ee dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhexeeyay, waxayna muujisay rajo ay ka qabto in tallaabadan ay wanaag iyo barwaaqo u horseeddo shucuubta labada dal ee deriska ah.

Hadal qoraal ah oo ay maanta soo saartay, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa lagu sheegay in Sheekh Tamim uu dadaal dheeri ku bixiyay in si caadi ah lagu soo celiyay xiriirka labada dal, islamarkaana la dhameeyo khilaafkii u dhaxeeyay.

Waxaa guushan loo marayo dhexdhexaadin iyo wadiiqooyin diblomaasiyadeed oo uu sameeyay Ergayga Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar u qaabilsan la-dagaalanka argagaxisadda iyo dhex-dhexaadinta colaadaha Dr Mutlaq Al-Qahtani oo afar maalmood joogay Muqdisho.

Markii uu ka tagay Muqdisho, wuxuu tagey Nairobi Khamiistii shalay isagoo fariin ka timid Sheekh Tamim gudoonsiiyay Uhuru, iyadoo islamarkii dowladda Soomaaliya soo saartay qoraal ay ku shaacisay inay soo celisay xiriirkii Kenya.

Tallaabadan waxay sare u qaadi doonta nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika, maadaama Soomaaliya uu ka socdo dagaal ka dhan ah argagaxisadda Al-Shabaab, oo Kenya iyo dalal kale ay ku lug-leeyihiin.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.