Booliska koonfur Afrika oo kala eryay Soomaali sharci doon ah

Muqdisho(keydmedia) Booliska dalka koonfur afrika ayaa kala eryay maanta shacab Soomaaliyeed oo xafiis QM ay leedahay u tagay in ay helaan sharciga qaxootinimada ee dalka Koonfur Afrika.
Warar Keydmedia Online

Dadka Soomaaliyeed ayaa isku dayay in ay si qasab ah u galaan xafiiska QM ee arimaha qaxootiga waxaana taasi ay sababtay in shaqaalaha xafiiskaasi ay fariin u dirsadaan booliska isla markaana Booliska uu suntan dadka ka ilmeysiisa iyo budad ku kala eryo dadka Soomaaliyeed.

Markii uu booliska soo gaaray halkaasi ayaa dadkii soomaaliyeed ay kala carareen misna isbuurteen taasina waxay sababtay in dad badan ay dhibaato soo gaarto.

 Www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.