Amisom oo shacab ku xasuuqday agagaarka Garoonka diyaaradaha

Muqdisho (keydmedia) Ciidamada Amisom ee dowlada taageera ayaa maanta mar kale agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho waxa ay ku rasaaseeyeen gaari ay saarnaayeen shacab Soomaaliyeed.
Warar Keydmedia Online

Ciidamada ayaa rasaasta ku furay gaari dadweyne oo marayay meel ku dhaw xarunta hey’adda UNDP ee magaalada Muqdisho, waxaana rasaastaasi ku dhaawacmay seddex qof oo rayid Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

iliya hore ayaa ciidamada Amisom waxa ay dhibaato u geesteen dad rayid ah iyadoona aanu jirin cid wax iska weydiisa xasuuqa Amisom ay shacabka ku heyso, waxaana dowlada uu hogaamiyo madaxweyne Shariif ay ku mashquulsantahay khilaafaad dhexdeeda ah.

Www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.