Amisom oo waqti kordhin loo sameeyay

Muqdisho(keydmedia) Midowga Afrika ayaa sheegay in xili kordhin loo sameeyay ciidamada Amisom ee ku sugan magaalada Muqdisho kuwaa oo inta badan duqeyma ka geesta Magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online

Wakaalada Reuter ayaa sheegtay in ciidamada Amisom ee ku sugan Muqdisho tan iyo 2007 ay dileen 21-kun oo shacab Soomaali ah iyadoona tirada xasuuqa Amisom ay ka geysatay Soomaaliya intaasi uu ka sii badanyahay.

Waqtiga dheeraadka ah ee loogu daray Amisom ayaa ka bilawday 17-kii Bishan iyadoona mudada loogu daray ay tahay Sanad dheeri ah,.

QM ayaa isku raacday December-tii aan soo dhaafnay in 4-kun oo askari lagu soo kordhiyo ciidamada Amisom ee ku sugan Soomaaliya si ay u kaabaan dowlada reer Galbeedka ay gardaadinayaan ee uu hogaamiyo Shariif Shiikh Axmed.

Www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.