KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Keydmedia Online ayaa bishii October 2020 soo qortay Warbixin ku saabsan in aysan magdhaw helin dadkii shacabka ahaa ee uu Mareykanka ku laahayay Soomaaliya.
NAIROBI, Kenya - Hay'adda Amnesty International ayaa ugu baaqdey Milatariga Mareykanka inuusan gacmaha ka dhaqanin dhiiga dadkii rayidka ahaa ee ku dhintay weerarada cirka ee Soomaaliya.
Baaqan ayay Amnesty International soo saartey kadib markii ay ku dhawaaqday Wasaaradda difaaca Mareykanka in Ciidamada laga saari doono Soomaaliya ugu dambeyn Janaayo 2021, iyadoo la fulinayo amarka Trump.
Kala bixida Soomaaliya macnaheedu maahan in la joojinayo howlgallada la dagaalanka argagaxisadda Mareykanka uu ka wadey dalka, oo daraasiin weeraro cirka ah sanadkasta ka fuliyaan. Waxay askrta la qaadayo la dejinayaa saldhigyada ka baxsan Soomaaliya.
Cilmi-baaristii hore oo Amnesty International sameysay ayay kju muujisay sida weeraradan ay si isdaba joog ah ugu dhinteen dad rayid ah, sidoo kalena kuwa kale ay soo gaareen dhaawacyo, Mareykanka ayaa ku xad-gudbey sharciga caalamiga ah ee bani'aadamnimada.
“Ha joogaan ama haka baxaan Soomaaliya Ciidanka Mareykanka, AFRICOM waa inay hubisaa caddaaladda iyo magdhawga dhibbanayaasha rayidka ah, haddii aan taasi la samaynin, waxay noqonaysaa ku xadgudub sharciga caalamiga ah ee bani'aadamnimada," ayay Amnesty ku tiri warbixin ay shalay soo saartey.
Tan iyo markii Trump uu xukunka qabtay 2017, AFRICOM waxay kordhisay dagaalka cirka ee ay ka waddo Soomaaliya, iyadoo wadar ahaan qaadday 196 duqeyn cirka ah, waxayna adeegsanaysaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones. S
Amnesty International waxay baaritaan ku sameysay sagaal duqeyn oo Mareykanku ka fuliyay gobollada Shabeellaha Hoose, Galguduud iyo Jubbada Dhexe tan iyo 2017, waxayna ogaatay in 21 qof oo rayid ah la dilay 11 kalena la dhaawacay, oo ay ku jiraan caruur, dumar iyo dad waayeello ah.
Ka sokow duqeymahan Mareykanka, dagaallada u dhaxeeya Ciidanka DF iyo kooxda Al-Shabaab waxaa ku dhintay kumanaan rayid ah, waxayna ku barakacay boqolaal kun, oo gaarey duleedka Muqdisho xeryo ku yaalla.
Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, ugu yaraan 295,000 oo qof ayaa ka cararay Shabeellaha Hoose illaa iyo sannadkan, in badan oo ka mid ah waxay ka qaxeen colaadaha iyo amni-darrada awgood.
Laga soo bilaabo April 2019, baaritaanno ay sameysay Amnesty International, AFRICOM waxay qirtay inay dileen shan qof oo rayid ah oo Soomaali ah ayna dhaawaceen siddeed kale afar duqeyn oo kala duwan. Qoysaska ama dhibbanayaasha midkoodna magdhow kama helin dowladdaha Mareykanka ama Soomaaliya.
Kadib, bishii April 2020, AFRICOM waxay daabacday qiimeyntiisii ugu horreysay ee saddexdii biloodka ee ku saabsan warbixinnada khasaaraha rayidka - billowgii ugu horreeyay ee daahfurnaan in ka badan toban sano oo hawlgallo milatari ay ka wadeen Soomaaliya.
Baaritaan dheer kadib, Keydmedia Online ayaa bishii October 2020 soo qortay Warbixin ku saabsan in aysan magdhaw helin dadkii shacabka ahaa ee uu Mareykanka ku laahayay Soomaaliya.
Farmaajo ayaa walaac ka muujiyay ka bixitaanka Ciidanka Mareykanka ay ka baxaan Soomaaliya, maadaama ay baneynayaan boos wayn oo aysan jirin cid kale oo buuxin karta, waayo waxay Ciidanka Mareykanka lafdhabar u yihiin dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, iyagoo tababaray DANAB.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.