Wasiir ka hadlay amniga wadooyinka Muqdisho

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in sare loo qaadayo amniga Magaalada Muqdisho, oo maalmahan ay ka dhacayeen falal amniga lidi ku ah.

Warar Keydmedia Online
Wasiir ka hadlay amniga wadooyinka Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdulaahi Maxamed Nuur Wasiirka amniga xukuumada xil-gaarsiinta ayaa hadalkan ka sheegay tababar ku saabsan ka hortagga dambiyada socdaalka oo maanta Muqdisho laga furay.

Wasiirka ayaa tilmaamay in hadda wixii ka danbeeya ay amniga caasimada ka shaqeynayaan ugu yaraan 20 hay'adood oo amniga qaabilsan, kuwaasoo ka hortagaya danbiyada ka dhaca gudaha Magaalada.

Hay'adahan amniga loo xil saaray ayuu sidoo kale sheegay in ay la dagaalami doonaan, dadka wadooyinka ku isticmaala waxyaabaha maanka-dooriya, oo mudooyinkii ugu danbeeyey caasimadda ku soo badanayey.

Wasiirka ayaa ugu baaqay hay'adahan ka shaqeynaya amniga caasimadda in ay kordhiyaan kulamada ay yeelanayaan, isla markaana ay muhiimada koowaad siiyaan meelaha laga soo galo caasimadda, isagoo shacabkana ka dalbaday in ay la shaqeeyaan kooxdan cusub ee amniga magaalada loo xil saaray.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli todobaadkan gudihiisa ay Muqdisho ka dhaceen falal aad u fara badan oo amniga lidi ku ah, kuwaasoo ay qaarkood geysanayeen ciidamada dowladda, waxaase laga dhursugayaa waxyaabaha ay amniga magaalada ka baddelaan hay'adahan cusub.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.