Amniga Ceelasha Biyaha oo lagu wareejiyay Ciidamada Boliska

Muqdisho (Keydmedia) - Ciidamada Boliiska ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta si rasmi ah ula wareegey Saldhiggii maleshiyada kooxda al Shabaabka ee ku yaalay degaanka Ceelsha Biyaha iyadoo ciidamadana ay halkaa ku shaqayn doonaan.
Warar Keydmedia Online

Abbaandulaha Ciidamada Milateriga ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Gen. Cabdikariin Dhega badan ayaa manta saraakiisha Ciidamadaasi ku wareejiyay ammaankii degaanadii ay hore gacanta ugu hayeen Ciidamada Milleteriga.

Dhega badan ayaa sheegey in wixii manta ka danbeeyay ammaanka goobtaas looga fadhiyo Ciidamadaas in ay sugaan maadaama Milaterigu uu ka qabtay kuwii hore halkaa uga talinayay.

Ciidamadaas ayaa isla maantaba Hawl gal ay halkaa ka sameeyeen waxaa ay ku soo qab qabteen illaa Boqol qof oo looga shakisan yahay in ay ka tirsanaayeen maleshiyaadka kooxda al Shabaab.

Keydmedia.net / Wadanka

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.