Andre Villas-Boas oo lo magacabay macalimka Chelsea

Keydmedia Sport) - Macalimka cusub ee kooxda Chelsea ayaa si rasmi ah waxaa loogu magacaabay Andre Villas-Boas oo kooxdu ay lagashay qabdaraas sedax sano ah oo kooxda ciyaartooydeeda uu ku leylinayo.
Warar Keydmedia Online

Andre Villas-Boas  ayaa waxa uu noqonayaa macalimkii afaraad ee Roman Abramovich uu shaqaaleysiiyo intii u hayay madaxnimada kooxda Chlesea, waxaana lasheegayaa in qandaraaska macalimkaan lagu qaatay uu gaarayo £13.2m .


Waxa uu bedelayaa macalimkaani Carlo Ancelotti oo kooda soo leylinayay laba sano hasa yeeshee si sharaf darra ah looga eryay dhamaadkii xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Waxaa lafilayaa kooxdu markaan in ay u jeheysato in ay ciyaartooy tayo leh baadi goobto kahor xilli ciyaareedka soo socda, iyada oo si weyn loo hadal hayo ciyaaryahanka Radamel Falcao ee u dhashay Colombia in kooxda lagu soo biiriyo.

Radamel Falcao waxa uu ka dheelaa weerarka waxa uuna u saftaa kooxda FC Porto ee dalka Portugal, oo  Andre Villas-Boas uu macalim ka ahaa, iyada oo soo xera gelintiisa laga yaabo in uu gacan ka geesto macalimkiisii hore.

Keydmedia Sport

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.