Antonio Guterres oo gudbiay dacwo ka dhan ah Soomaaliya

Dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa lugaha la gashay fadeexo hor leh, kadib markii dacwo ka dhan ah loo gudbiyay Madaxwynaha Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay.

Warar Keydmedia Online
Antonio Guterres oo gudbiay dacwo ka dhan ah Soomaaliya

UNITED NATIONS - Dalka Soomaaliya ayaa ka mid noqday dhowr waddan oo lagu eedeeyay in ay bixin waayeen qoondadooda miisaaniyada UN-ka, taas oo sababi karta weynta xuquuqda codbixinta.

Sida ku cad waraaq uu Xogheyaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, u diray  Madaxweynaha Golaha Ammaanka, Volkan Bozkir, waddanka Soomaaliya ayaa ku jira dhowr waddan Afrikaan iyo Aasiyaan ah, kuwaas oo aan wali bixin qoondooyinkii ku qornaa.

Soomaaliya lagacta laga rabo ayaa ah, $ 1,443,640, taas oo ay waajib ku tahay in Dowaladdu bixiso ka hor bisha Sebtembar ee soo socota, si uusan dalku u waayin codkiisa Qaramada Midoobay.

Sida uu sheegay Antonio Guterres, Goluhu wuxuu soo saaray qaraar sheegaya In dalka Soomaaliya uu wali ka codayn karo kala-fadhiga hadda socda oo ku eg Sebtember, hayeeshee wixii xilligaas ka danbeeya uu waayi karo codka uu ku leeyay miiska looga arrimiyo adduunka.

Axdiga Qarammada Midoobay ayaa dhigaya in xubnaha deynta lagu leeyahay ay le'eg tahay ama ka badan tahay xaddiga tabarucaadda laga rabo, muddo labo sano ah ay lumiyaan xuquuqdooda codbixinta.

Dalalka kale ee Africa ee lacagta laga rabo in ay bixiyaan ka hor bisha September, waxaa ka mid ah waddanka Comoros oo laga doonayo bixinta $871,632, iyo Sao Tome and Principe, oo laga rabo $829,888.

Dowladda Soomaaliya ee dhawaan waqtigii xil haynta ka dhamaaday ayay arrintani ku tahay fadeexo hor leh, waxaana la is weydiinayaa halka uu aaday dakhligii ay Farmaajo iyo Bayle meel kasta la taagnaayeen inuu kordhay.

KEYDMEDIA ONLINE.

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.