Aqalka hoose oo kulankii 1-aad yeelanaya 16 cisho kadib

Baarlamaanka 11-aad, waxaa laga sugayaa shaqooyin xooggan, iyadoo la xasuusan yahay in habkii ay inta badan xubnaha Golayaashu kuraasta Baarlamaan ku soo heleen, siyaasadaha ay u kala taagan yihiin iyo shaqsiyaadka ay ku ra’yiga yihiin.

Warar Keydmedia Online
Aqalka hoose oo kulankii 1-aad yeelanaya 16 cisho kadib

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS, ayaa maanta yeelanaya kulankoodii caadiga ahaa, 16 maalin kadib, doorashadii Madaxweynaha 10-aad, taasoo dhacday 15 May 2022.

Xildhibaannada ayaa fasax galay, kadib soo af-meeriddii doorashada, waxayna maanta dib ugu laabanayaan xaruntooda KMG ee Villa Hargeysa, xilli ajandaha kulanku yahay  Akhrinta xeer hoosaadka Golaha shacabka.

Inkastoo Guddoonka Golaha uu diray farriinta isku soo laabashada, haddana Keydmedia Online, ayaa fahansan in Xildhibaanno badan ku maqan yihiin dalka dibaddiisa, mana la filayo in guntanka maanta noqdo mid xooggan.

Baarlamaanka 11-aad, waxaa laga sugayaa shaqooyin xooggan, iyadoo la xasuusan yahay hannaankii ay inta badan xubnaha Golayaashu kuraasta Baarlamaan ku soo heleen, siyaasadaha ay u kala taagan yihiin iyo shaqsiyaadka ay ku ra’yiga yihiin.

Kulankaan ayaa noqon doona kulankii ugu horreeyay ee 12-kii sano ee la soo dhaafay qabsooma, Mahad Maxamed Salaad, oo aan Xildhibaan ahayn, kaasoo lumiyay xubinnimadiisiii Golaha Shacabka, kadib markii loo magacaabay Taliyaha NISA.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.