Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Turkiga oo ka qeyb gashay Bandhig-dhaqmeed

Ankara (Keydmedia) - Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Turkiga ayaa maanta ka qeyb galay Bandhig dhaqmeed loogu tala galay ardayda ajaanibta ah ee wax ka barata magaaladda caasimadda Ankara ee dalka Turkiga.
Warar Keydmedia Online

Barnaamijkan ayaa waxa soo qaban qaabiyay mac-had lagu magacaabo ( Society for interculturel research and friendship Center) oo micnaheedu yahay Xarunta Saaxibada iyo Barista Dhaqanka Bulshada waxaana goob joog ahaa qaybaha kala duwan ee waxbarashada dalkan.

Ardayda Soomaaliyeed ayaa cinwaan uga dhigay barnaamijkooda gaarka ah (Dhaqankeygii maguuraanka ee soomaaliya) iyagoo halkaasi kusoo  bandhigay qoraalo iyo sawiro sharaxaya taariikhda iyo dhaqanka Soomaaliyeed sidoo kale waxay soo bandhigeen cunada dhaqanka u ah dadka soomaaliyeed sida cajeerada.

Sambuuska iyo burka kuwaasi oo si aad ah uga heleen dadkii goobta lagu casuumay ayagoo ku tilmaamay  inuu yahay bandhiga Somalida kii ugu wanaagsana oo ay ka qeyb galaan iyo in ardayda Soomaaliyeed yihiin kuwo siweyn  ugu  tababaran dhaqankooda  maguuraanka ah waxayna carabka ku adkeeyeen masuuliyiintaasi madasha ka hadashay sida ay ugu  riyaaqeen dadaalka ardayda Soomaaliyeed oo beryahaan danbe siweyn usoo kobcaya ayna kaga dhexmuuqanayaan ardayda dhigooda ah ee ajaanibta wax kabarata Turkiga.
 
Ardayda Somaliyeed ee wax ka barata Turkiga ayaa u muuqda kuwa isku duuban oo muujinaya dadaal iyo fircooni tan iyo waxii ka danbeyay sanadii 2009 markaasi oo ay yeesheen mamul mideeya ardayda codkoodana ku hadla iyadoo sanad waliba ay sii kordheyso ardayda wax barashada u imaanaysa halkan iyadoo sanadkaan marki ugu horaysay ay soo gaareen Turkiga tiro arday Somaliyeed oo dhigan doona duqsiyada sare ee dalkaan kadibna la rajaynaayo inay halkaan kasii wataan wax barashadooda ilaa heer jaamacaddeed.
 
Si kastaba ha ahaate dalka Turkiga ayaa u muuqanaya mid albaabadiisa u furayo ardayda Soomaaliyeed iyadoo dadka soomaaliyeedna ay fahmayaan fursadahan wax barasho dal musl?m ah awood badana ku leh wadamadda carabta ?yo yurubta waxaana bilawday qoysas badan oo caruurtooda halkan wax barasho u keenay halka kuwa kalana ay rajaynayaan inay dhameystiraan shuruudaha looga baahanyahay.
 
Mahad Mohamud
mahadaani@live.com
 
Daawo sawiradda:

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.