Askar katirsan Alpha Group oo qarax lagu dilay

Qaraxa ayaa ahaa mid lagu diyaariyay gaari oo la qarxay markii Ciidanka ay guriga yimaadeen, iyagoo halkaasi doonayay inay howlgal baaritaan ah ka fuliyaan.

Warar Keydmedia Online
Askar katirsan Alpha Group oo qarax lagu dilay

MUQDISHO, Soomaaliya - Saddex kamid ahaa Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Alpha Group, ayaa ku dhintay qarax gaari oo ka dhacay degaanka Gandershe ee duleedka magaaladda Muqdisho.

Illo wareedyo dhanka amniga ayaa Keydmedia Online u sheegay in Ciidamada ay la kulmeen qarax loogu sii diyaariyay guri ay doonayeen inay baaritaan ka sameeyeen, kaasoo ay ku dhuumaaleysanayeen xubno katirsan Al-Shabaab.

"Ciidamada waxaa guriga loo dhigay gaari walxaha qarxa lagu xiray, kaasoo remote-control lagu qarxiyay markii ay soo galeen, waxaana goobta ku geeriyoodey saddex iyaga kamid ah, halka kuwa kale ay dhaawacmeen," sidaa waxaa KON u sheegay Sarkaal kamid ah NISA, oo magaciisa diiday inaan baahinno.

Ciidamada Alpha Group waxaa tababarey Mareykanka, iyagoo loo carbiyay howlgallada la-dagaalanka argagaxisadda, waxayna degan yihiin gudaha dhismaha garoonka diyaaradaha Magaaladda Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.