Askar katirsan DANAB oo Qarax lagu dilay

Waxaa lagu weeraray Kolonyada DANAB degaanka Tixsiile, oo ku dhaw degmada Wanlaweyn, oo qoyaastii 90-KM Koonfur Galbeed uga beegan Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Askar katirsan DANAB oo Qarax lagu dilay

MUQDISHO, Soomaaliya - Afar Askari oo kamid ahaa DANAB ayaa lagu dilay Qarax Saakay oo Axad ah ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose, ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

Qaraxa ayaa lala eegtay Kolonyo Gaadiid militeri oo kasoo baxay Balli-doogle, kuna soo jeeday magaaladda Muqdisho xili ay marayeen degaanka Tixsiile oo ku dhaw degmada Wanlaweyn, oo 90-KM Koonfur Galbeed uga beegan Caasimadda.

Wararka ayaa sheegay in Saraakiil sare oo DANAB katirsan ay ku dhaawacmeen Qaraxa, kuwaasoo ay ku jiraan taliyaha Ciidanka Jen Beer-Yare iyo taliyaha guutada 6aad ee Ciidanka xoogga dalka.

Ciidamada ayaa xiray wadada mudo daqiiqado ah, iyadoo goobta markii dambe laga soo jiiday Gaari nooca Cabdi-Billaha loo yaqaano, oo qaraxa ku burburay, iyadoo dhaawacyada loo qaadey Balli-doogle oo DANAB ay degan yihiin.

Ciidanka Mareykanka ayaa tababarey DANAB, waxay siiyeen qalab iyo hub casri ah oo ay ku howlgalaan, si ay u fuliyaan howlgallada gaarka ah ee lagu qaado goobaha muhiimka ee Al-Shabaab hogaamiyeyaasheeda ku sugan yihiin.

Mareykanka ayaa Ciidankiisa kala baxay Soomaaliya kadib markii Trump uu bixiyay amarkaas, iyadoo hadda laga cabsi qabo in Al-Shabaab ay la wareegto goobo horleh, maadaama ay baxeen askartii ay ka baqi jirtay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.