Askar lagu dilay Suuqa Bakaaraha

Askar ka tirsan ciidanka Dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Nabad-sugidda ee dhar-cadka ah ayaa maanta lagu dilay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Askar lagu dilay Suuqa Bakaaraha

MUQDISHO, Soomaaliya – Koox hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa dilay laba Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda, mid kalena dhaawac u geystay, xili ay ku sugnaayeen meel ku dhow Busteejoda laga raaco gaadiidka oo ku taalla Suuqa Bakaaraha.

Dableydii dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday, ciidamada Booliska oo goobta tagay ayaana ku fashilmay in ay qabtaan raggii falka fuliyay.

Ciidanka dhar-cadka ah ee ka tirsan Nabad-sugida ayaa u muuqataa in si gaar ah loo bartilmaamed sanayo, bil ka hor ayayna ahayd markii sidaan oo kale agagaarka Geed-jacayl lagu dilay Saddex dhalin yaro ah oo ka tirsan Nabad-sugidda Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.