Askar lagu dilay Weerar ka dhacay Muqdisho

Kooxo hubeysan oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar Saakay ku qaaday Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo ku sugnaa Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir.

Warar Keydmedia Online

Is-rasaaseyntaan ayaa ku dhintay Labo ka tirsan Ciidamadda Dowladda Federaalka, halka mid kalena uu ku dhaawacmay. 

Macluumaad ay Keydmedia Online ka heleyso Goob-joogayaal ayaa sheegaya in Nimanka weerarka soo qaaday ay la tageen Qoryo Ak-47 ah oo ay wateen Ciidamadda Dowladda. 

Wali ma jirto War kasoo baxay Maamulka Banaadir ama laamaha Amniga ee DF.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.